3,000 askar Soomaaliya oo lagu tababaray 3 bil gudaheeda

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtey in ciidamadda ay "aas-aas u yihiin dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray illaa 3,000 ciidamo kamid noqonaya Soomaaliya oo ku dhowaad saddexdii bilood lasoo dhaafay lagu tababaray dalkaas.

Xasan Sheekh ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtey in ciidamadda ay "aas-aas u yihiin dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada".

"Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen," ayaa la raaciyey qoraalka Villa Soomaaliya.

Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa "Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka".

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey "dowladda Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay Tababarka ciidanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM