4.5 milyan qof oo lagu dilay dalal ay ku jirto Soomaaliya tan iyo 2001-dii

Image
Mashruuca Khasaaraha Dagaalka ee Jaamacadda Brown ayaa soo bandhigay cilmi-baaristan.

WASHINGTON, United States - Ugu yaraan 4.5 milyan oo qof ayaa ku dhintay dagaallada ka qarxay waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe tan iyo weerarradii daaraha mataanaha Mareykanka ee 2001-dii, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub uu sameeyay mashruuca Khasaaraha Dagaalka Machadka Watson ee Jaamacadda Brown.

Mashruuca Khasaaraha Dagaalka ayaa qiyaasay ilaa 3.6 milyan ruux ay si dadban ugu geeriyoodeen dagaalladii dhacay wixii ka dambeeyay weeraradii daaraha mataanaha ee loo yaqaano 9/11.

Sidda ku xusan warbixinta, 906,000 ilaa 937,000 qof ayaa si toos ah loogu dilay colaadaha ka ooggan wadamadda kala ah Afghanistan, Iraq, Pakistan, Syria, Yemen, Libya iyo Soomaaliya.

Waxyeeladda dhimashadda waxaa wehliya dhaqaale burbur, cunto yari, burburka xarumaha caafimaadka dadweynaha, wasakhowga deegaanka, iyo rabshadaha soo noqnoqda.

Mashruucu ma eedaynayo waddan maadaama dagaaladda Bariga Dhexe iyo Afrika ay ku lug leeyihiin dhinacyo badan oo dagaalamaya, waddamo iska soo horjeeda iyo hardan juquraafi-siyaasadeed murugsan.

Ugu yaraan 7.6 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay 5 sano jir ayaa la ildaran nafaqo-xumo ba'an oo ku nool Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Yemen, iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinta cusub ee mashruuca Khasaaraha Dagaalka.

Jaamacadda Brown ayaa mashruuca Khasaaraha Dagaalka waxay bilawday 2011 si ay u diiwaangeliso waxyeeladda dagaalka Mareykanka kula jiro argagixisada adduunka oo dhan.

Kooxda mashruuca Khasaaraha Dagaalka ayaa waxay isugu jirtaa 35 aqoonyahanno, khubaro xagga sharciga ah, xirfadleyaal qaabilsan xuquuqul insaanka ah, iyo dhakhaatiir.

Mareykanka ayaa bilaabay dagaalka uu kula jiro argagixisada caalamka ka dib markii kooxaha xagjirka ah ee Al-Qaacida ay diyaarad ku burburiyeen daaraha mataanaha ah ayna ku dileen ku dhawaad ​​3,000 oo Mareykan ah.

Xukuumadda Washington ayaa soo afjartay dagaalladii waaweynaa ee Mareykanka uu ka waday dalalka Afgaanistaan ​​iyo Ciraaq, inkastoo ay weli sii wadaan dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah sida Daacish ee ku sugan Bariga Dhexe iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya halkaasoo ay ka joogaan ciidamo kooban oo guur-guura.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM