5 kamid ah ciidanka dowladda Somalia oo lagu dilay qarax ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Ugu yaraan 5 Askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Somalia ayaa ku dhimatay Qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Sarkaal lagu magacaabo Capt. Cabdiraxmaan Xuseen ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay miino lagu aasay gudaha saldhig ciidamadu ku leeyihiin Afgooye, halkaasi oo shalay soo waarereen Al shabaab.

Wuxuu sheegay in Qaraxa uu dhacay xilli hore maanta oo Talaado ah, oo ciidamada ay baaritaanno ka dhex-samaynayeen saldhigaas, maadaama shalay saacado kooban ay haysteen maleeshiyada Al shabaab.

Askar kale oo gaaraysa  4 ayaa dhaawacyo kasoo gaarey qaraxa, waxaana loo qaadey isbitaallo ku yaallo magaalada Muqdishu.

Xarakada Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay Afgooye.

Xaaladda degmadaas, oo 30KM Koonfur Galbeed kaga beegan caasumadda Somalia, ayaa degan kadib markii shalay gelinkii dambe qeyb kamid ah degmada la wareegeen xoogaga Al shabaab.

Waa markii 3-aad, oo Al shabaab weerar ku qaado Afgooye mudo saddex Todobaad ah, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu jiro habacsanaan amniga, maadama ciidamada jooga aan la siin mushaar mudo 8 bilood ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM