5 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaa maqaayad ku taalla nawaaxiga wasaaradda Dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda Somalia.

Weerarka oo loo adeegsaday gaariga lagusoo xiray walxaha qarxa ayaa lala beegsaday meherad ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacu kor u dhaafayaa sideed ruux.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Somalia, ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan, halka baabuurta gurmad ay qaadayeen dhaawacyada iyo dadka geeriyooday.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia.

Goobta la weeraray oo lagu magacaabo Italian ayaa inta badan waxaa ku dhow xarumo dowladeed gaar ahaan wasaaradaha amniga iyo Cayaaraha.

Ururka Al Shabaab ayaa loo malaynayaa inay ka dambeeyeen falkan oo kamid noqonaya weeraro muddooyinkii dambe ka dhacay caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM