​6 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Faah faahin kasoo baxay weerar loo adeegsaday baabuur lagu xiray walxaha qarxa ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhinteen dad isugu jira shacab iyo ciidamo katirsan ilaalada degmada Waabari.

Inta la xaqiijiyay, waxaa ku geeriyooday weerarkaas 6 qof oo isugu jiray dad shacab ah oo goobta weerarka ka agdhawaa.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo dhawaqiisa laga maqlayay guud ahaan caasumadda Somalia.

Qof goob jooge ah ayaa ku waramay in weerarkaas uu fuliyay naftiis haliga xoog kuwaday baabuur lagasoo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo lagu garaacay albaabka hore ee xarunta degmada Waabari.

Saldhiga waxaa soo gaaray bur bur xoogan, sidoo kale waxaa khasaare uu soo gaaray gaadiid badan oo yaalay hareeraha Saldhiga Degmada Waaberi, waxaana la sheegayaa inay suuragal tahay in khasaaruhu intaas kasii kordho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya xilliga Saldhiga qaraxa lagu weeraraayay inay halkaasi ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somalia.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa goobta soo gaartay, waxayna goobta ka qaateen dadka dhaawaca iyo weerarku soo gaaray.

Waa qaraxii labaad ee todobaad gudihiisa ka dhaca Magaalada Muqdish xilli uu socdo howlgalka xasilinta caasumadda.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse waxaa qaraxyada noocaan ah gaysata kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM