Aabaha mas’uul ay DF xirtay oo xog badan daboolka ka qaaday

Image
MUQDISHO- Aabaha dhalay Cumar Shariif Maye, oo ahaa Gudoomiyihii maamulka degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir, kaasoo shaqo joojin uu ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana xabsi la dhigay ayaa furta tuurtay, isaga oo ka hadlay sababta loo xiray wiilkiisa.
 
Laamaha amaanka Soomaaliya, gaara ahaan Booliska oo Cumar Jeeg kasoo kaxeeyay xarunta degmada ayaa kusoo eedeeyay inuu ka been abuurtay Taliska Booliska, islamarkaana uu ku tilmaamay dowladda tan ugu musuq-maasuq badan abid.
 
Shariif Jeeg oo ah Aabaha dhalay Gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in wiilkiisa loo xiray inuu kasoo horjeestay Dhul ay leedahay dowladda oo masuul ka tirsan dowladda doonayey inuu dhisto.
 
"Maalmo kahor waxaa soo wacay Agaasime guud, ma rabo inaan magaciisa iyo meesha uu ka shaqeeyo sheego. Wuxuu u sheegay inuu dhulkiisa fasaxo, wuuna ka diiday isaga, marka ay xaalada xumaato ayaan soo bandhigaynaa caddeymaha," ayuu yiri.
 
Gudoomiyaha degmada Xamar-wayne oo haatan ku jira xarunta dambi-baarista ee CID-da halkaasi oo su'aallo lagu waydiinayo ayaa hadalka uu ku dhaliilay dowladda iyo Booliska ka jeediyay shir gaar ah, kaasoo ay yeesheen Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
 
"Isaga [Shariif] waxaa loo raadinayaan dambi. Codka haatan banaanka yaalo, waxaa looga duubay qaab qarsoodi ah. Marka taasi ayaaba dambi ah," ayuu hadalkiisa kusii daray Aabaha dhalay Cumar Shariif Jeeg, oo ahaa Gudoomiyihii maamulka degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir.
 
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya illaa iyo haatan ma uusan ka hadlin falka lagu soo xiray Gudoomiyahii degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir, kaasoo xarigiisa iyo sababaha loo xiray hadalhayn xoog leh ka dhex-dhaliyay Baraha Bulshadda.
 
  GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM