Aabe wiil uu dhalay ku dilay Jowhar oo sharaxay sababta ku kaliftay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Taliska ciidanka booliska caasimada maamul goboleedka HirShabelle ee Jowhar ayaa Isniinta maanta ah wuxuu warbaahinta u soo bandhigay Aabe lagu waramay in uu khaarijiyey wiil uu dhalay.

Maxamed Siyaad Cali [Canjeex], taliyaha saldhiga booliska oo xusay in Aabahaan uu qirtay dambiga, ayaa ka dhawaajiyey in ay kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen kadib taageero ay ka heleen shacabka.

"Markii hore wuxuu ku dhuuntay beeraha. Markiiba waxaa naloo sheegay in uu baxsaday. Shacabkaa noosoo sheegayay meel walba oo uu tago. Anigoo adeegsaneyna qaab qarsoodi ah ayaan soo qabanay," ayuu ku daray, isagoo aan soo hadal-qaadin talaabada xigta oo ay ka qaadayaan.

Aabaha, Maxamed Dhaayow Aadan oo war-fidiyeenka ka hor-qirtay in uu wiilkiisa gacantiisa ku dilay, ayaa ku doodey in uu nafsadiisa uga baqay isla markaana uu ahaa caasiwaalideen dhibay ehelkiisa.

"Sagaal neef Lo' ah ayuu iga dilay. Xoolaheyga intuu dhamaayey ayuu nafteyda u soo dhigtay. Aflagaado iyo 'waan ku dilaa' ayuu igu bilaabay markii uu soo dhamaayey maalkii ehelka iyo deriska. Wuxuu ahaa dadkaan maandooriyaha isticmaala," ayuu Aadan kaga dhawaajiyey shir jaraa'id.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan ayaa la sheegay in ay da'iidsa u dhaxeysa 27 illaa 30 jir. Meydkiisa kama muuqan jirdil.

Illo wareedyo amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in marxuumka lagu riday Webiga Shabeelle isla markaana halkaasna uu aakhiritaankii ku dhex-geeriyooday.

Degaanada HirShabelle waxaa ku badan dhacdooyinka dilalka qoysaska dhexdooda ah. Bishii Julaayo 25-keeda sanadkan 2020, aabe ayaa wiilkiisa wuxuu ku gowracay isla Jowhar. Lama shaacin sababta ku riixday ficilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM