Aabihii ismiidaamin baa galaaftay halka isaga lagu dilay weerar toos ah

Image
Yoonis Xasan Sabriye ayaa kamid ahaa labo sarkaal op lagu dilay weerarkii kooxda AS ay ku qaadey Ceeldheer shalay.

MUQDISHO, Soomaaliya — Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka mid ah askarta dowladda ee lagu dilay weerarkii Ceel-dheer, sida ilo wareedyo badan ay sheegeen.

Ilo-wareedyo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa magacyadooda ku sheegay Korneyl Yoonis Xasan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle (Weli lama xaqiijin darajadooda).

Aaabaha Sabriye, oo ahaa la taliyaha dhanka sharciga ee duqii hore ee Migadisgu, ayaa lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho dabayaaqadii July 2019 kaas oo galaaftay nolosha duqii magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Dhanka kale, Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa degaanka ay si buuxda gacanta ugu haayaan degaanka Ceeldheer.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ugu yaraan labo xero ku qarxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay weerar ay ciidamada lugta ku qaadeen abaare 4-tii subaxnimo ee xilliga dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah.  Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka uu soo gaaray khasaare xooggan, balse ma aysan sheegin tiradooda rasmiga ah.

Kooxda al-Shabaab ee dhinacooda ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay dileen 59-askari iyo dagaalyahano.

Al-Shabaab ayaa dhanka telegram-ka ku daabacday sawiro la sheegay in ay ku jiraan dagaalyahanadooda oo ku sugan ugu yaraan hal xero oo ay kooxdu ku andacooneyso in dagaalyahannadooda ay "la wareegeen".

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in isgaarsiintii magaalada dib loo soo celiyay, waxaana ay u hambalyeeyeen ciidanka sida ay isaga caabiyeen weerarka maleeshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM