Aadan Madoobe oo baaq kasoo saarey gulufka Al-Shabaab

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale wuxuu si adag uga hadlay weerarkii Masagawaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada shuhadadii ku naf waayay weerarkii magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.

Aadan Madoobe ayaa si gaar ah murugada ula qeybsadey nabadoonadii Al-Shabaab ku dishay degaanka kuwaas oo kala ah Nabadoon Cusman Macalin Axmed Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree.

Weerarkan ku bilowday qaraxyada ayuu ku tilmaamay "mid fuleynimo ah taas oo Khawaarijtu ay ku baneeysaneyso dhiiga shacabka birmo-geydada ah ee aan waxba galabsan waxayna ka tarjumeysaa arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan".

Ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku adkeeyay "in qof kasta kaalin ka qaato sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdan arxanka daran," sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Howlgalada dib u xoreynta dalka ayuu tibaaxay ku nafwaayay geesiyaal naftooda iyo dhiigooda u huray sidii dalka ugu badbaadin lahaayeen cadowga islamarkaana maanta la joogo xiligii la soo afjari lahaa".

"Khawaarijtu waxaa laga xorreeyay deegaanno badan oo mudo dheer ku dhibaateynaayeen shacabka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa kusii daray guddoomiye Aadan Madoobe.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka Aqalka Hoose ayaa waxa uu Allah ugu rajeeyey soo kabasho iyo caafimaad degdeg ah dadka ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada" oo badankooda ah askar iyo tiro yar oo shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM