Aadan Madoobe oo la kulmay guddoonkii hore ee Golaha Shacabka

Image
Shirkan ayaa diiradda lagu saarey xaalada guud ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Labada guddoomiye ayaa waxay Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

"Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, Aadan Madoobe ayaa xalay waxa uu hooygiisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Aqalka Hoose.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah," ayaa lagu yiri bayaan.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay madaxdii xafiiska uga horeysay kaas oo diiradda lagu saarey xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM