Aadan Madoobe oo shaqadii baarlamaanka u raray Kismaayo

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu maanta ka dagay xarunta ku meelgaarka Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo gaaray Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaar ka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay wehliyaan Gudddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland,wasiiro Iyo Xildhibaano  Iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada Magaaladda Kismaayo.

Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka uu ku tagay Magaaladda Kismaayo ayaa ah banbaxa Guddiga Joogtada, waxaana Magaaladda Kismaayo ka dhici doona kulamada Guddiga Joogtada oo looga hadli doono dejinta jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM