Abaabul dagaal oo ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Wararka laga halayo gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamadda xooga dalka Soomaaliya iyo AMISOM ay ka wadaan abaabul-dagaal, oo ka dhan Kooxda Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyada Milateri ayaa laga dareemay degaano hoos-yimaada magaaladda Baraawe, oo maalmo kahor Al-Shabaab ay madaafiic ku weerartay, taasoo lala bartilmaameedsaday Markab sahay raashiin iyo ciidan u wadey Ciidamada DFS iyo AMISOM.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in gulufka ay wadaan uu u jeedkeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ku dhaw Baraawe, ee ay kasoo baabusho weerarada.

“Weerarkii Markabka taagnaa Dekada wuxuu natusayaa in khatart ay Al-Shabaab ku tagay amniga magaalada, waxaana hadda wadnaa howlgalo aan ku dooneyno inaan kooxdan uga sifeyno degaanada ay ku sugan tahay,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dekedda Baraawe oo aan hadda howlgab ah, ayaa waxaa ku xirta oo waliya Maraakiib gaar ah iyo doomo sahay hub iyo raashiin ah u wada Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhanka dhulka ah aan waxba loo marin karin, sababtoo ah go'doominta Al-Shabaab.

Magaaladan ayaa waxay caasimad rasmi ah u tahay Maamulka Koonfur Galbeed, balse kuma shaqeeyo sababo amni, maadaama ay Al-Shabaab ku sugan tahay degaanada ku hareeraysan, oo xitaa suurta-gal tahay inay la wareegto.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku soo qaada fariisimaha Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka, xili weerardaasi ay geystaan khasaarooyin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM