Abaabul siyaasadeed oo ka socda G/Hiiraan ka dib xil-ka-qaadis lagu sameeyey duqii Beledweyne

Image
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolkaasi ay dhaliilsanyihiin maamulka Hirshabeelle.

Beledweyne, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaadday Duqii magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan marwo Nadar Tabaax Maalin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa soo saartay Wareegto Xil ka qaadis iyo magacaabid ah, iyada oo xilka ay ka qaadday marwo Nadar Tabaax u magacaawday Cabdullaahi Salaad Kugeey.

Xilka qaadista ayaa isha dadweynaha ku soo jeedisay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka Hiiraan, xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolkaasi ay dhaliilsanyihiin maamulka Hirshabeelle.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu si weyn u dhaleeceeyay qaar ka mida xildhibaanada maamulka ku matalaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sidoo kale hore uga soo horjeestay xil ka qaadis ay ku sameyeen maamulka Hirshabeelle, isaga oo ku dhawaaqay maamul u gooni ah oo ula magac baxay “Hiiraan State”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM