Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor oo ku dhintay dagaal ka dhacay deegaanka Caad

Image
Taliye Suulnuug ayaa qeyb ka ahaa dadaalada ay ciidamada dowladda kula wareegeen degaano hor leh.

Caad, Soomaaliya - Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa maanta loo dilay dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda ay kula galeen Al-Shabaab deegaanka Caad ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku qaadeen fariismo ay kooxdu ku lahayd duuleedka deegaanka Caad.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor isaga oo yiri:

“Waxaan u tacsiyadeyneynaa Ehelkiisa, CXDS iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan Shahiidka Ilaahey SW uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo.”

Taliye Suulnuug ayaa qeyb ka ahaa dadaalada ay ciidamada dowladda kula wareegeen degmooyin iyo deegaano dhaca gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM