Abiy Axmed oo sheegay in uusan dooneyn dagaal dhaxmara Soomaaliya & Itoobiya

Image
RW Itoobiya ayaa sheegay in dowladiisa aanay dan ugu jirin abuurista colaad dhaxmarta labada dal

Addis Ababa (GO) - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiis beenaadkii dhaxmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Abiy Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in si caqli iyo diblomaasiyadeed lagu xalliyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, oo aysan ka qeyb noqon waddamo shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya, ayaa intaas ku daray in dalkiisa ay uga dhinteen boqollaal ciidan sidii loo ilaalin lahaa, midnimada Soomaaliya, oo nabad lagu soo dabaali lahaa dalka.

Abiy Axmed ayaa sheegay dowladda Itoobiya aysan dan ugu jirin abuurista colaad dhaxmarta labada dal oo dariska ah.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo cadaadis lagu saarayo Taliska Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay Caleema Saarka madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni ku sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn dagaal ay la gesho Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu kala hadlo Abiy Axmed ilaa 4 dekadood oo Itoobiya u isticmaasho badeexadaha soo gala ama ay dhoofiso, si ay u kala faa’iidaan labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM