Adeegga Internet-ka qeybo kamid ah Soomaaliya oo dib usoo noqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho iyo gobollada Koonfurta Soomaaliya waxay dib u heleen adeeggii Internet-ka ee ka maqnaa mudo afar maalmood ah, kadib markii ciladdii ku timid xarigga Fiber optic ee badda gunteeda mara la xaliyo.

Shirkadda Hormuud, oo Internet-ka bixisa ayaa qoraal ay soo saartey caawa ku shaacisay inuu soo laabtey adeegga, iyadoo dhanka kale raaligelin ka siisay dadka isticmaala ee macaamiisha ah ciladda dhacday.

Waaa markii labaad oo sanadkan ay dhacdo cilad noocan ah, iyadoo midii hore iyo tan cusuba ay kusoo aadeen xili dalka ay ka jiraan xaaladdo siyaasadeed, sida xilka qaadistii Khayre iyo magacaabista Xukuumadda Rooble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM