Labo Musharax oo u gudubtay Wareega 3aad ee doorashada BFS [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa lasoo gabagabeeyay goordhaw wareegga 1aad ee codbixinta doorashada Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Gudiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Aqalka Hoose, ayaa shaaciyay in 2 Musharax ay usoo gudubtay wareegga 3aad ee Doorashada kadib markii ay tanaasuleen Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Shariif Cabdalla.

  1. Maxamed Mursal oo helay 83 cod
  2. Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69 cod

Musharaxiinta Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Shariif Cabdalla, ayaa ka tanaasulay tartanka, oo ka haray wareegga 2aad, iyagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay isbedelka u codeeyaan.

Maxamed Mursal [Bidix] Ibraahim Isaaq Yarow [Midig]

Labada Musharax ayaa kala helay wareegga 1aad;

  • Cabdicasiis Laftagareen helay 54 cod
  • Shariif Abdallah oo helay 19 cod

Xildhibaanno gaaraya 266 mudane ayaa ka qeyb qaadanaya doorashada, waxaana ay u kala codeynayaan 10 musharax kadib markii inta aan wareegga 1aad billaaban isaga baxay tartanka Sheekh Aadan Madoobe.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan Villa Soomaaliya, iyadoo aan la saadaalin karin cida kusoo baxi doonto tartanka oo ah mid adag.

HALKAN SI TOOS AH UGA DAAWO DOORASHADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM