Afar sano oo kasoo wareegatay xasuuqii 14-ka October ee Soobe

Image
Ku dhowaad kun qof oo badankooda ah rayid aan waxba galabsan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarkaas. [Photo: UNSOM]

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 4-aad ee ka soo wareegtay markii qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda aduunka uu ka dhacay Soomaaliya.

Qaraxii 14-ka Oktoobar sanadkii 2017-kii ka dhacay isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa lagu waramay in uu horseeday dhimashadda iyo dhaawaca ku dhowaad 1,000 qof oo badankooda ahaa rayid.

Dowladda fdderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 14 -ka Oktoobar inay tahay maalin qaran oo lagu xusuusto dadkii ku waxyeeloobay weeraradii argagixiso ee taariikhdaas ka dhacay caasimada.

Xukuumadda ayaa dhacdooyinkaas waxay ku eedeysay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida wallow kooxda aysan wali si rasmi ah dusha u saaran mas'uuliyada falkaas.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee baraha bulshadda wuxuu ku muujiyey in uu murugada la wadaagayo dhibaneyaasha.

"Iyadoo Soomaalidu ay maanta xusayso sanad-guuradii afaraad ee qaraxii Muqdisho ee 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo sababay dhibaato iyo burbur aad u badan, ayey bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xusuusaneysaa dhibbanayaashii iyo kuwii ku dhaawacmay, waxa ayna barbar-istaag u muujineysaa dhammaan Soomaalida," ayuu yiri.

Xasuuqaas ayaa la rumeysan yahay in uu dhabaha u xaarey kala qeybsanaan soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo in ay kasoo goostaan horjoogeyaal iyo dagaalameyaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM