Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah afhayeen cusub ku doortay magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Xilkan waxaa isku soo sharaxday saddex murashax kuwaasoo kala ahaa; Dr Maxamed Nuur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Calasow ayaa markii la yimid madasha coddeynta ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka jagadan. Sababta ayuu ku sheegay si uu waqtiga u soo gaabiyo.

Tani ayaa waxay aad u xoojisay fursadda ku saabsan in wareega koowaad lagu kala bixi doono coddeynta.

Coddeynta ayaa la guda galay, waxaana codkooda dhiibtay 89 mudane oo uu ka kooban yahay baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kadib coddeynta, waxaa la bilaabay tirinta, iyaddoo Guddiga doorashooyinka baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee cod-bixinta.

Sidda laga soo xigtay guddiga natiijada coddeynta ayaa noqotay

Dr Maxamed Nuur Gacal - 54

Cabdinasir Aaden Cismaan - 34

Waxaa xumaadey hal cod

Natiijada ayaa ka dhigan in Dr Gacalo, oo isla goobta lagu dhaariyey, loo xushay xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada maamul goboleedka Galmudug.

Doorashada labada ku xigeen ayaa la guda gelayaa dhowaan. Coddeyntan gudoonka kadib, waxaa maalmo kadib la filayaa in ay qabsoonto doorashada madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM