AFRICOM oo ka warbixisay duqeyn cusub oo lala eegtay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu wariyey in uu maanta duqeyn cusub ka fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgalka waxaa laga fuliyey nawaaxiga magaaladda Janaale, halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno ka Al-Shabaab ah.

Warka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xusay in shan dagaalame oo kamid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida lagu dilay weerarkaas.

Bayaanka ayaanan lagu soo qaadin magacyadda xubnahaas iyo xilalka ay ka hayeen kooxda.

Si lamid ah, qoraalka ayaanan lagu caddeynin hadii uu jiro waxyeelo shacab kasoo gaarey howlgalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda dowladda Mareykanka oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka maleeyshiyaadka argagixisada ah.

Shalay ayay ahayd markii duqeyn isla Janaale lagula eegtay Al-Shabaab looga khaarijiyey afar dagaalame, oo Dowladda Soomaaliya shaacisay in ay ku jireen saraakiil aysan carabaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM