Agaasime cusub oo loo magacaabey Hay’adda Socdaalka

Image

MUQDISHO, (GO) - Kulan uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey magacaabista Maareeyaha cusub ee Hay’addaasi Axmed Siciid Maxamed.

Waxaa xusid mudan in Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) lagu eedeeyay musuq maasuq, kadibna uu iska casilay xilkaasi.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleyman Maxamed Maxamud ayaa laba todobaad ka hor soo saaray liiska 18-xubnood oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq, kuwaasi oo uu ku jiray magaca Agaasimihii hire oo Xeer Ilaaliyaha sheegay inuu dalka isaga cararay.

Kulankan oo uu shir gudoominayey Mudane Saalax Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Ka sokow ansixinta magacaabista agaasimaha cusub, shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM