Agaasime ku xigeenka Goobjoog oo damaanad lagu sii daayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu sii daayey damaanad, sidda ay ku dhawaaqdey warbaahinta uu ka tirsan yahay ee Goobjoog Media Group.

Todobaadkii hore ayaa xabsi loo taxaabay, balse dowladda federaalka ah wali si furan uma sharaxin sababta ka dambeysa xarigiisa.

Mahad Maxamed Salaad, mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xariga saxafiga uu la xiriiro qoraal uu soo dhigay Facebook oo uu eedeyn ugu jeediyey madaxweynaha.

Qoraalkaas ayaa tilmaamayey in Farmaajo uu "qaatay" qalabka neefashada oo loogu talagalay xarunta karantiilka ee Isbitaal Mariini, wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoogan.

War-saxaafadeed kasoo baxay warbaahinta Goobjoog ayaa lagu sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay dacwad kusoo oogtay wariyaha.

Hase ahaatee, Villa Soomaaliya ayaa dhinac isaga leexisay eedaas, waxayna sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn gal-dacwadeedka.

Gurbiye ayaa ah agaasime ku xigeenka iyo tifaftiraha Goobjoog Media Group, oo ka kooban idaacado, telefishin iyo mareeg.

Sii deyntiisa ayaa kusoo aadeysa xilli ay aad u xoogeysteen cadaadis ay dowladda la kulmeysay oo ku saabsan in uu banaanka yimaado wariyaha. Sidoo kale, warar ayaa soo jeedinayey in uu xabsiga ku xanuunsadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM