Ahlu Sunna oo ka baxdey Guriceel kadib dagaal qaraar

Image
Image
Image
Warbixinada ayaa muujinaya in kooxda hubeysan ay ku baxdey dhexdhexaadin ay sameeyeen ganacsato.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dagaalameyaasha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Arbacada maanta ah waxay ka hayaameen magaalada Guriceel, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo illo wareedyo madax-banaan.

Sida ay muujinayaan warbixinadda laga helayo darafyo kala duwan oo madax-banaan, bixitaanka kooxda ayaa ka dambeysay ka gedaal markii ay dhexdhexaadin sameeyeen ganacsatadda magaaladda.

Ciidamadda dowladda ayaa haatan si buuxda u maamulaya magaalada. Sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya askarta oo kormeereysa dhufeesyadda ay sameysatay kooxda.

Goobaha ay muuqaaladda muujinayaan in askarta ay ku dabaaldegayaan waxaa kamid ah xarunta jaamacadda halkaasoo kooxda Ahlu Sunna ay si weyn ugu dagaalantay maalmihii lasoo dhaafay.

"Ahlu Sunna waxay wareejisay laba gaadiid milatari oo ay ku qabsadeen dagaalka. Maleyshiyaadka waxay ku wajahan yihiin tuuladda Goodwiil," ayuu yiri wariye si dhow ula socdey dedaaladda dhexdhexaadinta.

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Guriceel ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo lasoo wariyey in ay ku nafwaayeen in kabadan 100 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawacyo intaas kasii badan.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa shalay wuxuu sheegay in colaadda Guriceel ay hurinayaan dhinacyo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira. Balse, ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan cidda ay yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM