Ahlu Sunna oo sheegay inaysan khusayn doorashada Galmudug [Dhageyso]

Image

DHUUSAMAREB, Somalia - Ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn natiijadii kasoo baxday doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado, ee lagu doortay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali, hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna ayaa shaaciyay inaysan quseynin Doorashadii Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo maamulkiisa cusub.

"Axmed Ducaalle aniga waxaan ku ogahay inuu nin Ganacsade yahay, wax kale oo intaasi ka badan kuma aqaano," ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Maxamed Shaakir ayaa xusay in shirkii Muqdishu ee lagu dhex dhexaadinayay Galmudug iyo Ahlu Sunna uu ka fashilmay dhanka Galmudug oo diiday in labada maamul la isku daro, oo awoodda la qeybsado.

Wuxuu sheegay in dhankooda ay soo jeediyeen in ay labada maamul isku biiraan, Xildhibaannada la isku daro, islamarkaana maamulka aas-aaska laga soo billaabo, taas oo uu tilmaamay in Galmudug diidey.

Maxamed Shaakir  ayaa uga digay Dowladda Federaalka in ay ku fududaato waxa ka socda Cadaado oo uu sheegay in ay yihiin wax aysan ku wada qanancsaneyn Dadka deggan Gobollada dhexe ee Somalia.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa doorashadiisii shalay kaddib ballan qaaday inuu Ahlu Sunna wadahadal la gelayo, si khilaafka ragaadiyay maamulkiisa loo soo afjaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM