AHN Saxafi Yoonis Cali Nuur oo Geeryoodey

Image

LONDON-Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi in badan ka soo shaqeeyay BBC.

Yoonis Cali Nuur ayaa laanta BBC Saxaafada kasoo galay goboladii loo aqoon jirey Woqooyi Galbeed kuwasoo hadda la yirahado Somaliland.

Saxafiga ayaa muddo xanuunsanaa iyadoo sida uu BBC u sheegey Siciid Cali Muuse u dhintey cudur kaga dhacey Beerka.

Warsidaha Garowe Online iyo saxafiyiinta ka shaqeeya ayaa waxay tacsi u dirayaan Wariye Yoonis Cali Nuur, waxaan leenahay Samir iyo imaan Ilaahey ha ka siiyo dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa geeridaas naxdinta leh ee ku timid Yoonis, isagana  Ilaahey Janatul Fardowzo ha ka waraabiyo. Aamiin.

Haddaba si aan taariikhdiisii u milicsanno waxaan Idaacada BBC aan ka soo xiganey Siciid Cali Muuse oo ay inbadan soo wada shaqeeyeen, weriyaha BBC Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayuu u warramay.

Halkaan ka dhageyso 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM