Ajendaha looga hadlayo shirka uu Farmaajo kaga qeybgalayo Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaaladda Addis Ababa ee Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka IGAD.

Dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka, oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo danaha wadamada ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxda ayaa waxa ay ka wada hadli doonan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si lamid waxay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka.

"...iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira," ayuu Garowe Online kasoo xigtay xafiiska Farmaajo.

Farmaajo ayaa "la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah Gobolka".

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan.

"Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale," ayuu ku daray.

Ajendaha ugu weyn ee shirka uu Farmaajo ka qeybgalayo ayaa waxaa ugu muhiimsan dib u habeyn lagu sameynayo qaabka uu u shaqeeyo ururka iyo waliba gudoomiyaha cusub ee bedelaya Abiy Axmed.

Xilka gudoomiyaha oo lagu waddo in shirkan go'aan looga gaaro ayaa waxaa isku haysta Jabuuti, Kenya, Soomaaliya iyo Uganda, waxaana Itoobiya ay heshay jagadda xoghayaha fulinta oo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM