Ajnabi ay Dowladda Soomaaliya dooneysay in ay ciqaabto oo baxsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in uu baxsaday dhakhtar ajnabi ah oo ay dooneysay in ay ciqaabto kadib markii uu geystay "xadgudub".

Dhakharka oo ka shaqeynayey Isbitaalka Masaarida ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dharbaaxay gabar Soomaali ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Caafimaadka.

Ma bixin wasiirka fahfaahin ku saabsan in haweenayda lagu xadgudubay ay ahayd bukaan ama in ay ka tirsan tahay howlwadeenada Isbitaalka.

Hadalkan ayay Fowziya Abiikar Nuur ka sheegtay fadhi uu maanta yeeshay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, kaasoo lagu su'aallay Wasiirrada Caafimaadka iyo Gargaarka.

Fowziya ayaa dhacdadaan soo qaadey xili ay ka jawaabeysay su'aal ku saabsan waxa uga qorsheysay dhibaatooyinka ay geystaan dhakhaatiirta shisheeyaha ee soo badanaya.

"Ajnabigaan dhib ayuu nagu hayaa, sharciga idin yaala, hadii aad noo ansixisaan, wax badan ayaa istaagayo. Ajanbiga yimaada, qaarkood Syria ayay ka yimaadaan," ayay tiri.

Drs Fowziya ayaa xustay in ay bilaabeen diiwaan-gelinta xarumaha ay furanayaan ajaaniibta, si ay u hubiyaan aqoontooda dhanka caafimaadka.

"Syria iyo Yemen, ninka kasoo baxay oo sheeganaya in uu yahay [khabiir], aniga ma koontarooli karo, sababtoo ah meel laga koontaroolo ma leh magaaladana waxaa u taala in uu senior-yahay".

Sidda laga soo xigtay Fowziya, dhakhtarka baxsaday ayaa "maalin cad" ka dhoofay garoonka Aadan Cadde markii ay damiinteen shaqsiyaad aysan carabaabin magacyadooda.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhakhtarkaas saartay xayiraad ku saabsan in uusan dalka soo gelin karin, sidda ay tibaaxday Drs Fowziya, oo aan soo bandhigin magaca iyo jinsiyadiisa.

"Sababtoo ah hadii aanan annaga ciqaabin oo dadkeenana aanan ilaalin, waa ceeb kale oo ku taala Wasaaradda Caafimaadka," ayay qirtay.

Xadgudubka uu ku kacay dhakharka baxsaday ayaa waxay timid markii shaqaalaha caafimaadka Isbitaalkaas loo diiday mushaharkooda, Wasaaraduna sameysay faragelin guuldareystay.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM