Ajnabigii ugu awooda badnaa Daacishta Soomaaliya oo la dilay

Image
Howlgal uu Mareykanka fuliyey 26-kii bishan Janaayo, 2023 ayaa lagu khaarijiyey Al-Sudani.

WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa shaaca ka dhigay in horjooge sarre oo ka tirsanaa maleyshiyaadka Daacish ee Soomaaliya lagu dilay howlgal ka dhacay 26-kii Jannaayo.

Sarkaalkan sarre oo magaciisa lagu sheegay Bilaal Al-Sudani ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxaa lala khaarijiyey ku dhowaad 10 qof oo isla ISIL-Somalia xubin ka ahaa.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] oo xaqiijiyey fulinta howlgalkan ayaa ka gaabsadey in uu bixiyo tafaasiil ku saabsan goobta ay duqeynta sida gaarka ah uga dhacdey.

Fariisinka ugu weyn ee dagaalameyaasha Daacishta Soomaaliya ayaa ah degaanada buuraleyda ah ee Puntland halkaasoo ay ku dhuumaaleysanayaan sanadihii lasoo dhaafay.

Washington ayaa rumeysan in Bilaal uu qaabilsanaa isku-xirka kooxda iyo shabakadaha caalamiga ah iyo in uu fududeeyay weeraro dhowr ah oo ay maleyshiyadda geysatay.

Al-Sudani (Suudaani) waa sarkaal hore oo Al-Shabaab ah, wuxuuna ku biiray kooxda IS ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin kaddib markii uu ka goostay dabayaaqadii 2015-kii.

Sidda laga soo xigtey qaar kamid ah xubnaha horey uga mid ahaa ISIL, Bilaal ayaa la aaminsan yahay in uu yahay ajnabiga ugu awooda badan isla markaana xilka ugu sareeyay ka hayay kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM