Ajnabigii ugu awooda badnaa Daacishta Soomaaliya oo la dilay

Image
Howlgal uu Mareykanka fuliyey 26-kii bishan Janaayo, 2023 ayaa lagu khaarijiyey Al-Sudani.

WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa shaaca ka dhigay in horjooge sarre oo ka tirsanaa maleyshiyaadka Daacish ee Soomaaliya lagu dilay howlgal ka dhacay 26-kii Jannaayo.

Sarkaalkan sarre oo magaciisa lagu sheegay Bilaal Al-Sudani ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxaa lala khaarijiyey ku dhowaad 10 qof oo isla ISIL-Somalia xubin ka ahaa.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] oo xaqiijiyey fulinta howlgalkan ayaa ka gaabsadey in uu bixiyo tafaasiil ku saabsan goobta ay duqeynta sida gaarka ah uga dhacdey.

Fariisinka ugu weyn ee dagaalameyaasha Daacishta Soomaaliya ayaa ah degaanada buuraleyda ah ee Puntland halkaasoo ay ku dhuumaaleysanayaan sanadihii lasoo dhaafay.

Washington ayaa rumeysan in Bilaal uu qaabilsanaa isku-xirka kooxda iyo shabakadaha caalamiga ah iyo in uu fududeeyay weeraro dhowr ah oo ay maleyshiyadda geysatay.

Al-Sudani (Suudaani) waa sarkaal hore oo Al-Shabaab ah, wuxuuna ku biiray kooxda IS ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin kaddib markii uu ka goostay dabayaaqadii 2015-kii.

Sidda laga soo xigtey qaar kamid ah xubnaha horey uga mid ahaa ISIL, Bilaal ayaa la aaminsan yahay in uu yahay ajnabiga ugu awooda badan isla markaana xilka ugu sareeyay ka hayay kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM