​Akoonnada dowladda oo si KMG ah lo Xannibay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegaya in si KMG ah loo xannibay akoonnadii dowladdu ku lahayd Bangiga dhexe iyo qaar kamid ah xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Amar kasoo baxay Madaxweynaha cusub ayaa xayiraad lagu saaray in hantida qaranka lagala baxo bangiga inta lagu guda jiro xil-wareejinta.

Meelaha sida goonida ah xayiraadda loo saaray, waxaa kamid ah dowladda hoose Xamar iyo Wasaaradda dowladda qaytood.

"Akoonadii dowladdu ku lahayd bangiga dhexe, shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa amar lagu bixiyay inaan laga saari karin shilling dowladdu leedahay muddo kooban aan inta ay tahay garan karin,"Ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo katirsan dowladda waqtigeedu dhammaaday.

Dhinaca kale waxaa amar kaas lamid ah lagu joojiyay in akoonno kale laga furto mudada kala wareegga ah shirkadaha gaarka loo leeyahay, si looga hortago musuq iyo xatooyo.

Go'aankan ayaa yimid xilli Madaxweynaha cusub uu ballan qaaday inuu ilaalin doono hantida Qaranka doorashadiisa kadib xilli uu ku jiray hoolkii uu ku guulaystay.

Xil-wareejinta ayaa lagu wada inay qabsoonto todobaadka soo socda.

Sannadkii 2012 ayaa lacago badan lagala baxay bangiga dowladda mudadii lagu jiray kala wareejinta xilalka mas'uuliyiinta sare ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM