Al-Cadaala oo ka hadlay “koox la shaqeyso” al-Shabaab

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa maanta sheegay in ay jiraan koox la shaqeysa Al-Shabaab kuwaasi oo fidno ka dhex abuuraya bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay dagaalka lagula jiro ururka argagaxisada ee al-Shabaab iyo xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada ka dagaalmaya jiidaha hore.

Al-Cadaala ayaa sheegay in guuldarradii soo gaartay al-Shabaab ay ku kaliftay inay dad isku soo aadiyaan oo ay hadal dadka lagu kala qeybinaayo usoo dhiibaan.

Wuxuu intaas raaciyay: “Haddii ay al-Shabaab tabar leeyihiin inay dad isku soo aadiyaan looma baahneen, ee furinta Ceelbuur bay ka dagaalami lahaayeen.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sidoo kale xusay in aysan habooneyn in dhibco siyaasadeed laga raadiyo dagaalka argagaxisada, isagoo ugu baaqay cid walba inay garab istaagto ciidamada.

Hadaldan ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiinta qaar ay dhaliil u jeediyeen qaabkii loo qorsheeyay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, kadib markii ay deegaanka Cowsweyne argagaxisadu ka fuliyeen weerar ay ku furteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM