Al-Shaabab oo "ku shaqeyneysa" dhakhaatiir ajnabi ah oo ay qafaalatay

Image

NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku shaqeyneysa dhakhaatiirta reer Cuba ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ay ka afduubatay bishii April ee sanadkii hore 2019, sida ay ku warantay wakaaladda wararka EFE.

EFE, oo laga leeyahay Spain, ayaa oday dhaqameed aysan magacaabin kasoo xigatay in xirfad-layaasha ay si qasab ah ku daaweyaan dagaalameyaasha ururkaas ee dhaawacyadda kasoo gaaraan dagaaladda.

Nabadoonka ayaa la tilmaamay in uu kamid ku jiray eragadii loo diray in ay wadahadalo la galaan kooxda si ay u soo badbaadiyeen Surgeon Landy Rodríguez iyo Assel Herrera oo laga watay magaaladda Mandera, 12-kii April, 2019.

Sidda ku xusan warbixinta oo ay xaqiijiyeen saraakiil sirdoon, dhakhaatiirta waxaa loo sameeyay ilaalo gaar ah, kuwaas oo ka tirsan guutada Xarasa, oo mitidiinta u qaabilsan waardiyaynta xubnaha ay soo afduubato.

"Way nool yihiin"

Xaqiiqadan soo if-baxday ayaa xoojineysa sheegasho horey uga timid Kenya oo ku saabsan in dhakhaartiirta ay wali nool yihiin, balse ma cadda halka lagu hayo.

Cyril Oguna, afhayeenka xukuumadda Nairobi oo ku adkeystay in ay si taxadar leh u qaadayaan howlgalada ay kusoo furanayaan, ayaa carabka ku adkeeyay in ay caddeymo u hayaan in ay nool yihiin la haysteyaasha.

"Waan fahansanahay in qoysaskooda ay murugeysan yihiin. Laakiin, howlgal milatri oo adag ma noqonayo xal waara. Balse, waan hubaa in ay nool yihiin, caddeymo sirdoon ayaanna u haynaa badqabkooda," ayuu tibaaxay.

Tan iyo markii ay waayeen xorriyadooda, lama hayo sawirro ama muuqaalo ay Al-Shabaab kasoo duubtay. Tani waxay su'aal gelisay in ay nool yihiin.

"Coronavirus nama joojinayo"

Balse, caadiyan kooxda marka ay tooganeyso la haysteyaasha ajaaniibta waxay u soo bandhigtaa dadweynaha, wallow xiliyadda qaar ay qariso.

Maadaama dunida oo idil ay la-kacaa-kufeyso in ay xakameyso fayruska safmareenka ah ee Corona, dowladda Cuba ayaa ku adkeysatay in uusan joojin doono howlgalada ku talaglkoodu tahay soo furashada labada dhakhtar.

Ernesto Gómez Díaz, danjiraha Cuba u jooga Kenya, ayaa caddeeyay in ay sii wadayaan dedaalada ay kusoo guriya-celinayaan Surgeon Landy Rodríguez iyo Assel Herrera, oo qaabilsanaa daaweynta cuduradda guud.

"Waan sii wadeynaa dedaaladeena aan kala joogsiga lahayn. Coronavirus nagama joojin doono shaqada aan wadno. Waxaan aad ugu kalsoonahay in aan xaqiijin doono in ay dib noogu soo laabtaan," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM