Al-Shabaab isku qarxin lahaa Tiyaatarka oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay xabsi daa'in ku xukuntay Xasan Cabdullaahi Aadan kaasoo "lagu helay" in uu isku qarxin rabay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Xukunsanaha oo la sheegay in laga soo qabtey duleedka Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-kontarool Afgooye isaga oo watay Jaakada la isku-qarxiyo bishii June ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2020.

"Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, Xasan ayaa qirtay in uu sanad iyo bar ka tirsanaa maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacida isla markaana uu 2018-kii kaga biiray degaanka Buur Dhuxunle ee gobolka Bakool.

"May, 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday," ayaa la raaicyey bayaanka.

Xeer-beegtada ayaa warisay in xukunsanaha uu dhowr jeer kasoo muuqdey Maxkamadda Ciidamadda isla markaana halkaas lagu waydiiyey su'aallo la xiriira gal-dacwadeedkiisa.

"Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka," ayay Maxkamaddu ku dartay qoraalkeeda.

Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda oo ku dhawaaqay xukunka ayaa shaaciyey in uu haysto fursad uu rafcaan kaga qaadan karo go'aanka ay gaareen.

Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka oo ku yaala nawaaxiga Madaxtooyadda ayaa lagu dayactiray Barnaamijka Is-xilqaan, wallow haatan aysan ka socon howlihii loogu tagalay dowladdana u rogtay madal ay shirar siyaasadeed ku qabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM