Al-Shabaab iyo Jubbaland oo Malaayiin dollar ka hela Dhoofinta Dhuxusha

Image

KISMAAYO - Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ku guul-dareysteen in ay Al-Shabaab ka hor istaagaan in ay helaan malaayiin dollar oo dakhli ah ka helaan dhuxusha sida sharci darrd ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Kooxda Kormeerka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea [UN monitering Group], ayaa sheegtay in al-Shabaab ay canshuuro ka qaado gaadiidka dhuxusha kasoo qaada degaanada ay maamusho ee koonfurta Soomaaliya.

Warbixinta cusub ayaa lagu sheegay in Monitering Group "aysan wadashaqeyn iyo jawaab ka helin AMISOM" markii ay isku dayeen in ay baaraan kaydka dhuxusha Bakhaarada dekedda Kismaayo bishii July.

Dekedaha Kismaayo iyo Buur Gaaba oo ay gacanta ku haya Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo ka howlgala Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Kooxda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ka hesho $7.5 million [Todobo Milyan iyo  shan boqol oo Kun oo dollar] oo "canshuur" ah taasoo ay ku qaado kontoroollada gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu ka faa'iideysanayo ganacsiga dhuxusha, taasoo ay mamnuuceen dowladaha Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2012.

"Baaritaan ay sameeyeen Kooxda ayaa go'aamisay in dhoofinta dhuxusha sharci darada ah ay canshuur ka qaado maamulka Jubbaland oo ah celcelis ahaan wax ka badan $ 5 dollar ka qaado kiishkii dhuxusha ah, taasoo marka la isku daro sanadkii ka helo maamulka Axmed Madoobein ka badan $15 milyan oo dollar," ayaa lagu yiri warbixinta Gollaha Amaanka.

Maamulka Jubbaland ayaa tan iyo markii la aas-aasay wajahayay eedeymo noocan ah, iyadoo saraakiisha ku sugan Kismaayo ay markasta beeniyay wararka ku saabsan in Kismaayo si qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM