Boqolaal xubno Al-Shabaab oo "lagu dilay" gobolka Mudug

Image
Guulahan ayaa la sheegay in ciidanku kasoo hooyeen howlgalada ay ka fuliyeen gobolka Mudug. [Photo: State Media]

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in 200+ dagaalameyaal Al-Shabaab ah ay ku dileen howlgalo ay saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gobolka Mudug.

Saraakiishu waxay xuseen in ay burburiyeen 16 saldhig, 4 magaalo iyo 8 tuulana ay xorreeyeen. Maleyshiyada gacansaarka la leh Al-Qaacida wali kama jawaabin sheegashadan.

"Dhufaysyadooda ayaa u noqday qabuurahooda, waxaa shalay la xaqiijiyey in ka badan 70 maleeshiyaadka khawaarijta ka mid ah oo xabaal wadareed godadkii ay qoteen lagu aasay!," ayay wasaaradda amniga Galmudug tiri 3-dii August.

Degaanadda ay qabsadeen waxaa kamid ah Camaara, Qaycad, iyo Hareere-dheere. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa qeyb ka ah howlgaladan ayaga oo fuliyey 3 duqeyn cirka ah.

"Kooxda Shabaab ee kala firxadku ku dhacay ayaa dadka reer miyiga koofurta Mudug ka gadanaya qoryaha si ay sahay uga sii dhigtaan, ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay faafisay 27-dii July.

Mas'uuliyiinta ayaa ka dalbadey dadka degaanka in ay gacan ka geystaan sidii loosoo afjari lahaa joogitaanka Al-Shabaab ee degaanada Galmudug oo sanadihii lasoo dhaafay ay ku xooganaayeen.

"Qoryo ka badan 20, qalabkii isgaarsiinta, raashin, dharkii dumarka ee argagixisadu isku qarin jireen, godadkii ay ku gabban jireen iyo maydkoodii ayay uga carareen, waxaana ku sii daba jira haraadigoodii ciidamada naftood hurayaasha ah," ayay tibaaxdey wasaaraddu.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ka cararay howlgalada gobolka Mudug ayaa lagu waramayaa in ay u gudbeen gobolada Koonfur Galbeed halkaasoo laga digay in ay ka carqaladeeyaan doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM