Al Shabaab oo Ciidamo ajnabi ah ku weerartay gobolka Gedo

Image

BAARDHEERE - Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey saldhig military, oo Ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Wararka laga helayo Gobolka ayaa sheegaya in Dagaal qaraar oo geestay khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira uu labada dhinac ku dhexmaray degaanka Faxfax-dhuun oo ku dhaw Baardheere.

Dadka degaanka qaar oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadey fariisin Ciidanka Kenya ay dhawaan halkaasi ka sameysteen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay weerar ku galeen saldhiga Ciidanka Kenya, kadibna uu xigay dagaal kulul oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada la ogeyn.

Saraakiisha maamulka gobolka Gedo ayaan wali ka hadlin Khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, marka laga soo tago Al Shabaab oo ku faantay inay dishay dhowr Askari.

Degaanka Faxfax-dhuun oo dhawaad 70-KM u jira magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sanadkii 2017 isaga baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse markale dib ugu soo laabtey dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM