Al Shabaab oo Ciidamo ajnabi ah ku weerartay gobolka Gedo

Image

BAARDHEERE - Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey saldhig military, oo Ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Wararka laga helayo Gobolka ayaa sheegaya in Dagaal qaraar oo geestay khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira uu labada dhinac ku dhexmaray degaanka Faxfax-dhuun oo ku dhaw Baardheere.

Dadka degaanka qaar oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadey fariisin Ciidanka Kenya ay dhawaan halkaasi ka sameysteen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay weerar ku galeen saldhiga Ciidanka Kenya, kadibna uu xigay dagaal kulul oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada la ogeyn.

Saraakiisha maamulka gobolka Gedo ayaan wali ka hadlin Khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, marka laga soo tago Al Shabaab oo ku faantay inay dishay dhowr Askari.

Degaanka Faxfax-dhuun oo dhawaad 70-KM u jira magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sanadkii 2017 isaga baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse markale dib ugu soo laabtey dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM