Al-Shabaab oo ciidanka DF "ka furatay" hubka lagu soo rido diyaaradaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiin ayaa xaqiijiyey in 12 askari lagu dilay weerarkii maanta lagu qaadey xerada Ceel Saliini, gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay baahisay wakaalada Reuters.

Wakaaladda oo aan shaacin magacyadda mas'uuliyiinta ayaa kasoo xigtay "inay hoosta ka xariiqeen in kooxdu wali awood u leedahay qaadista weeraro, inkastoo dowladu guluf waddo"

Illo dhanka amniga ah ayaa u sheegay GO in weerarka saldhiga uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah isla markaana maleeyshiyaadka Al-Shabaab ay daqiiqado la wareegeen xeradda.

Milatariga Soomaaliya ayaa xusay inay ku guuleysteen in ay dib u qabsadaan saldhiga kadib markii uu soo gaarey gurmad ciidan.

"Waxay qabsadeen xeradda, waxay kaloo qaateen hub iyo rasaas, waxaana kamid ah qoryaha lagu soo riddo diyaaradaha oo gaadiid gaashaaman ku dhegan," ayuu yiri Nuur Axmed, sarkaal boolis.

Nuur, oo khadka telefoonka u waramay Reuters, ayaa la tilmaamay in uu ka howlgalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta dalka.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

Ismaaciil Cali, oo ka tirsan milatariga, ayaa war-fidiyeenka u xaqiijiyey geerida 12-ka askari iyo dhaawac soo gaarey taliyihii saldhiga, wallow uu ka gaabsaday in uu carabaabo magaciisa.

"Waan qabsanay gaariga. Waxaan kaloo soo qaniimeysanay gaadiid gaashaaman iyo hubka lagu soo riddo diyaaradaha. Waxaana burburinay afar gaadiid," ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab.

Afhayeenka howlgaladda ee xoogaga Al-Shabaab ayaa intaas raaciyey "in ay khaarijiyeen 15 kamid ah ciidamadda milatariga Soomaaliya".

Weerarka Ceel Saliini ayaa qeyb ka ah laba kale oo isla maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose. Mid waxaa laga soo wariyey Qoryooley, halka kan kale uu ka dhacay duleedka Muqdisho.

Bishii September 29-keeda sanadkii hore 2019, weerar noocaan ah oo Al-Shabaab ay isla saldhigaan ku beegsatay waxaa ka dhashay khasaaro culus. Dowladdana ayaana u qirtay saraakiil sar-sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM