Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay Deegaanka Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia - Malleeshiyaadka Al shabaab ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Goofgaduud, ee gobolka Baay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed. 

Col Cabdullaahi Sheekh Maxamed, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay la wareegista Goofgaduud, oo 30KM dhanka Waqooyi uga began magaalada Baydhabo. 

Korneelka oo la hadlay Warsidaha GO ayaa sheegay in ciidamada ay xeelad Military uga soo baxeen deegaanka, islamarkaana ay hadda kawadaan meel aan ka fogeyn abaabul xooggan oo dib u xureyn ah. 

Dhanka kale, Al shabaaba ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay inay 17 Askari ay ku dileen dagaalka Goofgaduud, sidoo kalena ay qabsadeen hub iyo gaadiid dagaalka oo ciidamada ay ka carareen. 

Deegaanka Goofgaduud, ayaa noqday Billooyinkii ugu damabeeyay goob uu hardan xoogan ku dhexmarayo Al shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed, oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM