Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmo katirsan Bakool

Image

TEED, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegtay degaanka Teed, oo qiyaastii 30-KM dhanka Woqooyi uga beegan magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qabsashada Teed ayaa ka dambeysay markii dagaal qaraar oo u dhaxeeya xoogaga Al-Shabaab iyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed uu ka dhacay saaka gudaha degmada kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Al-Shabaab oo war kasoo saartey dagaalka ayaa waxay sheegtay inay ku dhishay afar kamid ah Ciidamada Koonfur Galbeed, ayna ku qabsadeen Saldhigooda iyo Saanad ciidan oo ay laahayeen.

Goobjooge ka gaabsaday magaciisa oo u la hadlay GO ayaa yiri: "Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed way ka baxeen Saldhiga, dhanka duurka/howdka ayey u carareen, kadibna Al-Shabaab ayaa soo gashay oo hadda gacanta ku dhigtay degmada."

Tuuladan ayaa waxay ku taalla wadada u dhaxaysa Xudur iyo Ceel-Barde, oo kamid ah goobaha ay go'doomisay Kooxda Al-Shabaab kadib markii laga saaray inta badan gobolka Bakool 2014.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii ay Al-Shabaab dagaal ay kusoo qaadeen deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo halkaasoo saacado ay gacanta ku hayeen.

Sidoo kale, Al-Shabaab shalay mudo kooban la wareegtay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo maalintii Jimcaha lagu dilay Askari Mareykan ah.

Ciidamada huwanta ee ka kooban Jubbaland, dowladda Federaalka, Kenya iyo Mareykanka ayaa dib ugu noqday deegaanka kadib markii halkaasi uu shalay booqashi ku tagey Axmed Madoobe. [Halkan ka akhri Warka]

Weeraradan ayaa qeyb kuwa Al-Shabaab ka fulinayso dalka bisha Ramadan, kuwaasoo galaaftay nolasho Askar badan, inkastoo ciidamada dowlada ku howlan yihiin inay xakameeyaan dhacdooyinkan lidiga ku ah amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM