Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmo muhiim ah

Image

GARBAHAAREY - Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dagaal kula wareegeen degaanka Saateelow oo ka tirsan gobolka Gedo, ee hoostaga maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo socday muddo ku dhawaad Hal saac ah ayaa waxaa leysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aanan illaa iyo haatan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhinacyadda iyo dadka shacabka kasoo gaaray.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay maqleen Daryenka hubaka culus, iyo garneeladda garbaha laga ganno [RPGs], kuwaasoo ay is-dhaafsanayeen ciidamadda dowladda iyo Al-Shabaab.

Tuuladda Saateelow oo u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa gacanta u galay Al-Shabaab, inkastoo aan wali ka hadlin mas'uuliyiinta gobolka.

Faahfaahinadda laga helayo qabshadda Al-Shabaab ee degaanka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadda dowladda ee ku sugan degmooyinka ku dhow tuuladda ay wadaan Guluf ay dib ugula wareegayaan degaanka kawadaan ciidamada Jubbaland.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab ay la wareegtay degaanka Qalimow ee gobolka, halkaasoo markii dambe ay isaga baxeen, wallow aanan la hubin hadii degaanka Saateelow ay dib uga bixi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM