Al-Shabaab oo DF "ka miin-guurisa" canshuurta ay ka qaado dadweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa canshuurta ay ka qaadaan magaalooyinka waxay qaarkood ku jaangooyaan cadadka ay soo rogto dowladda federaalka Soomaaliya, sidda uu sheegay mas'uul sarre.

Xuseen Macalin Maxamuud, agaasimaha machadka daraasaadka amniga Hiraal oo warbixintooda 2020 ku xusay in maleyshiyada ay sanadkii uruursato dakhli dhan 180 milyan doolar, ayaa is-barbardhigay canshuurta labada dhinac.

"Illaa haatan wax badan uma dhaxeeyaan, waxaad moodaa in ay is-koobiyeeyaan oo aad moodo in Al-Shabaab mararka qaarkood u sugaa illaa dowladda soo rogeyso, inkasta oo qaarkood aysan dowladda soo rogin oo iyagu ay qaataan sidda ganacsiga yaryar, diiwaan-gelinta; Shabaabaa uga horeeyaa [dowladda]," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Falanqeeyaha ayaa ku daray: "Laakiin, ganacsiga guud, guriyaha la kala gedanaayo, waxyaabaha waaweyn ee dekada kasoo gala in aad moodo in [Al-Shabaab] ay ka koobiyeeyaan waxay dowladda soo rogto; dadkii oo aqbalsan, iyo tiradoo oo iska dhowaaneysa; marka waxaad moodaa in dhankaas dowladda uga horeyso, marka meelaha badankooda way is-leeyihiin".

Sidda laga soo xigtay Mr Maxamuud, musuqmaasuq la'aan iyo awood fulineed oo cabsigelin la socoto waa sababaha Al-Shabaab u sahlaya in dhaqale badan hesho, balse waxaa jira magaalooyin ka cagaan saameynta maleyshiyada.

"Garowe kama qaadi karto canshuur sababtoo ah dadka ku nool kama baqayaa Al-Shabaab waxayna aaminsan yihiin in dowladda ay ka ilaaneyso gacantooda, balse ganacsadaha ku nool [caasimada Puntland] ee ganacsigiisu gaaro meelo Al-Shabaab gaari karaan wuu ku qasban yahay in uu bixiyo lacagtaas," ayuu hoosta ka xariiqay lataliyihii hore ee ammaanka qaranka.

Mar walba oo uu sii kobco keydka maaliyadda Al-Shabaab, waa sii xoogeysanaya joogitaankeeda, sidda uu aaminsan yahay Maxamuud, oo ku taliyey in dagaal ba'an lala galo nidaamka lacagta ee xoogaga ku xiran Al-Qaacida.

"Hadii Shabaab xaga dhaqaalaha lagala diriro, caskariyana wuu daciifayaa maxaa yeelay dhaqaalahan waa kii bambada [iyo] xabada lagu soo gadaayey, kooda dhaawacan ay ku daaweysanaayeen, kuwa ay shuhadada u yaqaanan qoysaskooda ay ku biilaan, lacagaha ay mustaqbalka dadka ku dhibi lahaayeen ku aruursadaan; waxaas oo dhan lacagta xageeda hadii laga wiiqo in iyagana fududaaneyso in ayaga la wiiqo," ayuu ka dhawaajiyey.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa dhowr jeer si furan waxay u xaqiijiyeen in Al-Shabaab ku dhex-milantay nidaamka maaliyada dalka, balse talaabo uma qaadin xalka taasoo ka dhigan in ay dhiig badan ku fiirsanayaan shacabka.

"Waa u dhiig bax, ayaan-darro iyo sicir barar aysan qaadi karin dadka Soomaaliyeed in ay lacago ka qaadaan lacagmo aanan u naxeyn. Waxayna sii burburineysaa kalsoonida ay dadka kusii qabi karaa dowladnimadda," ayuu kaga jawaabay su'aal ku saabsaneyd cawaaqibka qadiyadan.

Warbixinta kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee sanadka 2020 ayaa lagu caddeeyay in dabayaaqadii 2019 illaa sanadkan 2020 ay Al-Shabaab uruursatay lacag wadarteedu gaareyso $20 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM