Al-Shabaab oo dib ula wareeegtay degaanno istaraatiiji ah

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay maanta oo Talaado ah dhowr degaan oo muhiim ah, kuwaasoo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha gobolka qaarkood oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in xoogaga Al-Shabaab ay qabsadeen Tuulada Ceel-Geelow, oo ku dhaw Qalimoow iyo degaan kale, oo dhaca inta u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad.

La wareegista degaanada ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo faarujiyeen saldhigyadooda military, taasoo u sahashay Al-Shabaab inay dib ugu soo laabteen goobahan oo horey si dhib badan looga saarey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qarax miino la eegatay ciidamada kasoo baxay Ceel-Geelow, xilli ay marayeen goob lagu magacaabo Gololeey, waxaana la ogeyn khasaaraha weerarka ka dhashay.

Degaanadan oo muhiim u ah isku socodka Jowhar iyo Balcad ayaa horey waxaa loogu dilay mas'uuliyiin dhowr ah, oo Xildhibaano HirShabeelle katirsan ay kamid ahaayeen, kadib markii Al-Shabaab weeraro gaamdo ah ku qaadey gaadiid ay la socdeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan baneeya degaanada ay gacanta ku hayaan ee gobollada Shabeellooyinka, oo ah kuwa deris la ah Muqdisho, sidoo kalena muhiim u ah amaanka caasimadda dalka, maadaama Al-Shabaab kasoo abaabusho weerarada.

Al-Shabaab ayaa ku xoog badan gobolladan, waxaana la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasheeda ugu sareeya, kuwaasoo Mareykanka uu ku hayo ugaarsi joogto ah islamarkaana uu deymo ka geysyo goobaha Kooxdan maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM