Al-Shabaab oo duqeyn looga dilay horjoogeyaal iyo xubno muhiim ah

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka kala dhacay labada gobol ee Shabeellada Hoose iyo Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adaha nabad-sugida iyo mukhaabaraadka Soomaaliya (NISA) ayaa warisay in horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeymo cusub oo ka dhacay koonfurta dalka.

War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee NISA ayaa lagu caddeeyay in howlgalkan ay qeyb ka ahaayeen saaxiibada caalamka wallow aan la caddeyn dalka fuliyay weerarkan dhanka cirka ah.

Bayaanka ayaa wuxuu intaas ku daray in todoba dagaalameyaal kale oo kamid ah xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ay kamid ahaayeen waxyeelada "Khawaariijta kasoo gaarey gulufkan".

"Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka @HSNQ_NISA, iyagoo taageero ka helaysa bahwadaagta caalamiga ah, ayaa khaarijisay labo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo todobo xubnood oo kale kadib hawlgallo kala duwan oo laga fuliyay labada gobol ee Shabeellada Hoose iyo Mudug," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Mareykanka ayaa inta badan waxa uu fuliyaa howlgalada oo noocaan oo kale ah. Hase ahaatee, Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu kusoo biiray dagaalka dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM