Al Shabaab oo gacmaha ka jartay labo qof

Image

TIYEEGLOW, Somalia- Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xukun ku fuliyay labo Nin oo ay ku eedeeyeen inay lacag ka xadeen Goob Ganacsi, waxaana ay ka jareen gacanta Midig.

Xukunka gacan goynta ah waxa uu ka dhacay saaka Fagaaro ku yaalla degmada Tiyeeglow, ee gobolka Bakool, waxaana ka qeyb galay oo daawanayay Boqolaal shacab ah, oo caruur iyo haween ah.

Labada nin ee gacanta laga gooyay, ayaa lagu magacaabi jiray  Aadan Maxamed Nuur, oo 42 jir ah, iyo Isxaaq Aadan Xasan 23 jir ah, kuwaasi oo ay xukuntay dhawaan Maxkamada gaar ah oo ay leedahay Al shabaab.

Al shabaab ay ku eedaysay labada nin inay lacag gaaraysa 12 Milyan oo Shlinka Soomaaliga ah, una dhiganta $545 (Shan boqol, Afartan iyo Shan Doolarka) ay ka xadeen Dukaan ku yaalla Tiyeeglow.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan deegaannada ay maamusho ka fulisa xukunnada noocan ah, iyadoo aysan jirin Qareenno u dooda dadka ay kusoo eedeeyaan dembiyada Xatooyada, Dilka iyo Basaasnimada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM