Al-Shabaab oo "hoos-u-dhigtey" mushaharka dagaalameyaasheeda

Image
Talaabadan ayaa lala xiriirinayaa culeyska maaliyadeed ee ka dhashay talaabooyin ay qaadey dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere oo cajal soo duubay, ayaa u muuqda in uu qiranayo in culeys maaliyadeed oo aad u xoog badan ay kooxdani kala kulantay tallaabooyinkii ay dowladda ka qaadday illaha dhaqaalaha iyo kaydadkii ay ku lahaayeen bangiyada.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi oo bishan horaanteedii dad kula hadlayay magaalada Qaahira ayaa caddeeyay in dowladda ay xirtay wax ka badan 250 akoon oo bangiyada ay ku lahaayeen shaqsiyaadulala xiriiriyay Al-Shabaab ama kooxdani ay si dadban lacagaha ugu kaydsan jirtay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ay xireen wax ka badan 70 nambar oo lacagaha danabaysan lagu kala xawili jirey.

Hadalka Cali Dheere kadib, wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa u mahadceliyay ganacsatada sida ay ugu hoggaansameen amarkii dowladda ee ahaa in aanan wax canshuuraad ah la siinin Al-Shabaab.

Cali Dheere oo u qiil u raadinaya hanjabaad uu u diray Bangiyada iyo Ganacsada ayaa sheegay "in ay dhaqaalahooda ilaashadaan Mareykanka oo doonaya in uu hal daqiiqo ku qaato". Balse, masoo bandhigin caddeymo.

Wararka la helayo ayaa waxay muujinayaan in culeyska maaliyadeed ee Al-Shabaab uu gaaray heer mushaaraadkii ay dagaalameyaashooda siin jireen uu hoos ugu dhacay illaa $10 doolar.

Markii hore halkii dabley waxaa la siin jirey inta u dhaxaysa $50 illaa $100 doolar. Balse afartii bil ee lasoo dhaafay mushaarka waxa uu hoos ugu dhacay illaa $10 doolar, sida wararka sheegayaan. Saraakiil sirdoon ayaa tibaaxaya in tani laga yaabo in ay kala furfurto maleyshiyada kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM