Al-Shabaab oo in ka badan 60 qof "ka qafaalatay" koonfurta Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa lagu waramay in tuulooyin hoostaga magaalada Buur Hakaba ee gobolka Baay ay ka wateen in ka badan 60 qof oo shacab ah.

Sidda ay xusayaan warbixino damniga, xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida ayaa dadkaan u kaxeeyay dhanka degaanka Iidaale oo hoostaga isla gobolkaas ka tirsan Koonfur Galbeed.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in qafaalashada dadkaan ay ka dambeysay markii degaanka Lahoware ee isla gobolka uu dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab iyo rayidka.

Dagaalkaas oo sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa abaabulay dadka degaanka, sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

"Dagaalameyaasha Al-Shabaab waxay shuruud ka dhigeen sii deynta dadkaan in ay keenan dhalinyaro degaanka ee la dagaalantay kuwaas oo u baxsaday nafsadooda," ayay sheegeen saraakiil.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan maanta oo Isniin ah ka dhacay degmada Buu Hakaba oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Dhanka kale, ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, laba kelana waxy ku dhaawacmeen kadib qarax Miino oo isla maanta ka dhacay suuqa xoolaha lagu iibiyo degmada Buur Hakaba

Degaano iyo tuulooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayey ololaha iska caabinta Al-Shabaab ee ay hogaaminayaan dadka degaanka oo is-abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM