Dhimasho ka dhalatay weerarkii Al-Shabaab ee xerada Hiilwayne

Image

JOWHAR, HirShabelle – Al-Shabaab ayaa habeenimadii Arbacada weerar dhowr jiho ah ku ekesay saldhig ay ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka ayaa soo wariyey in ay maqleen daryenka hub culus kahor inta aysan is-rasaaseyn bilaaban.

Xeradda la beegsaday oo lagu magacaabo Hiilwayne ayaa tababar lagu siiyaa cutubyo kamid ah Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed qaybtooda maamul goboleedka HirShabelle.

Saldhiga Hiilwayne ayaa qiyaatii 25 KM wuxuu dhanka waqooyi kaga beegan yahay magaaladda Muqdisho.

Lama soo sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac ah, hase ahaatee, waxaa la xaqiijiyey in la gubay Teendhooyin ku jiray xeradda iyo gaadiid ay lahaayeen ciidamadda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa qiray in ay jiraan waxyeelo dhankooda ah, balse waxay sheegeen in ay dib ka fahfaahinayaan.

Idaacadda VOA-da ayaa ku warantay in Al-Shabaab ay dishay shan qof - afar rayid ah iyo hal askari isla markaana ay gubtay laba gaadiid oo nooca dagaal ah.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in dagaalka ku furteen saanad ciidan oo la filayo in ay soo bandhigaan.

Maamulka degmada Balcad oo walaac ka muujiyey weerarkan ayaa waydiistay dowladda federaalka taageero deg-deg ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa kadib weerarkaas isaga baxay saldhiga, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo degaanka ah.

Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii aaga xerada Hiilwayne laga sifeeyay dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacida, mana jirin tan iyo xiligaas weeraro lagu qaadey saldhigaas.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya xili Arbacadii, 11-ka December 2019, ay wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu horkacayo James Swan, ergayga Qaramadda Midoobay, ay tageen Jowhar.

Wafuudan oo la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kala hadlay doorashooyinka 2020-21 oo caqabada horyaala ay kamid yihiin; amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM