Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Comaad ee gobolka Hiiraan
MUQDISHO — Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa aroornimadii Sabtida la wareegay deegaanka Comaad ee gobolka Hiiraan, kaddib markii ay halkaas ka saareen ciidamadii dowladda, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.
La wareegidda Comaad ayaa la sheegay inay Al-Shabaab u soo dhoweyn karto degmada Matabaan, oo leh muhiimad istiraatiiji ah, maadaama ay ku taallo waddooyinka isku xira gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Deegaanka Comaad ayaa lagu tilmaamay meel muhiim ah oo dhanka isku socodka gaadiidka ah, iyadoo uu ku dhow yahay waddooyin waaweyn oo isku xira koonfurta dalka iyo gobollada kale. Sida wararka maxalliga ah sheegayaan, deegaanka ayaa qiyaastii 23 kiiloomitir u jira waddo weyn oo laami ah.
Haddii Al-Shabaab ay sii adkaysato gacan ku haynta deegaankaas, waxaa suuragal ah inay cadaadis dheeraad ah saarto fariisimaha ciidamada dowladda, isla markaana ay caqabad ku noqoto amniga waddooyinka muhiimka ah ee gobolka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli isbeddel lagu sameeyay dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan, kaddib markii ciidamo tiro badan laga soo saaray deegaanka Hananbuure, halkaas oo ay hore uga howlgeli jireen.
Ciidamadaas ayaa markii dambe loo soo wareejiyay magaalada Beledweyne, oo ah xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo tallaabadaasi timid xilli ay sii kordhayeen xiisadaha amni ee gobolka.
Ilaa hadda ma cadda in ciidamada laga soo saaray Hananbuure dib loogu celin doono jiidda dagaalka si ay uga hortagaan horumarka Al-Shabaab ee deegaanka Comaad.
Dowladda federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegtay inay qorsheynayso inay dib ula wareegto deegaanka, balse wararka sheegaya in Al-Shabaab ay hadda gacanta ku dhigtay ayaa su'aalo ka keenaya awoodda ciidamada dowladda ee ay ku difaaci karaan deegaannada lagu muransan yahay.
Al-Shabaab ayaa in ka badan 15 sano dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo weli weerarro ka fulisa qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta.
Kooxdu waxay si joogto ah u beegsataa fariisimaha ciidamada, waddooyinka sahayda iyo magaalooyinka muhiimka ah, iyadoo isku dayaysa inay wiiqdo awoodda dowladda iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada ammaanka.
Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Matabaan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo xaaladda Comaad, maadaama horumar kale oo ay Al-Shabaab ka samayso aaggaasi uu halis gelin karo waddooyinka isku xira gobollada dalka, isla markaana uu cadaadis ku kordhin karo deegaannada ay dowladdu maamusho.
Dhanka kale, ma jirin war rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay sheegashada la wareegidda Comaad, iyadoo xaaladda dhabta ah ee deegaanka aan weli si buuxda loo xaqiijin.
GAROWE ONLINE