Al-Shabab oo la wareegtay deegaanno ku dhaw Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanno ku dhaw magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Al-Shabab ayaa weerar culus kusoo qaadey saaka aroortii saldhigyada ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Goofgaduud Buurey iyo Daynuunay oo qiyaastii 25 illaa 30KM u jira Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in dagaalka qaraar uu labada dhinac ku dhexmaray deegaanada dhaca duleedka Baydhabo, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ciidamadii Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa deeganadaasi ayaa isaga baxay, kadib markii ay u babac dhigi waayeen awoodooda Shababka dagaalka kusoo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda ay dib ugu laabteen deegaanada laga qabsadey kadib markii Al-Shabab isaga baxday.

Dhanka kale, Al-Shabab ayaa xalay duulaan ku qaadey degmada Afgooye, oo 30KM waqooyi galbeed uga beegan magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha dagaalka Afgooye, balse wararka ayaa sheegaya in xaaladda ay caadi kusoo noqotay saaka, islamarkaana ay xaqiijiyeen amaanka guud kadib weerarkii xalay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM