Al-Shabab oo la wareegtay deegaanno ku dhaw Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanno ku dhaw magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Al-Shabab ayaa weerar culus kusoo qaadey saaka aroortii saldhigyada ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Goofgaduud Buurey iyo Daynuunay oo qiyaastii 25 illaa 30KM u jira Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in dagaalka qaraar uu labada dhinac ku dhexmaray deegaanada dhaca duleedka Baydhabo, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ciidamadii Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa deeganadaasi ayaa isaga baxay, kadib markii ay u babac dhigi waayeen awoodooda Shababka dagaalka kusoo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda ay dib ugu laabteen deegaanada laga qabsadey kadib markii Al-Shabab isaga baxday.

Dhanka kale, Al-Shabab ayaa xalay duulaan ku qaadey degmada Afgooye, oo 30KM waqooyi galbeed uga beegan magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha dagaalka Afgooye, balse wararka ayaa sheegaya in xaaladda ay caadi kusoo noqotay saaka, islamarkaana ay xaqiijiyeen amaanka guud kadib weerarkii xalay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM