Al-Shabaab oo laga dilay "amiir" dhowaan lagu daray liiska madow

Image
Howlgalkan ayaa lagu waramay in uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

KISMAAYO, Jubaland - Illo xog ogaal dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ee Soomaaliya ay rumeysan yihiin in howlgal  lagu beegsaday mid kamid ah horjoogayaasha sare maleeshiyada ee Al-Shabaab.

Howlgalka lagu khaarijiyey horjoogan lagu magacaabo Muumin Dheere ayaa habeenkii Jimcaha waxa uu  ka dhacay deegaanka Wayanta ee Koonfur-galbeed ee magaalada Kismaayo.

Hogaamiyahan muhiimka ah ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa ku xigeenka Amiirka xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ee deegaankaasi.

Dheere waxaa dhawaan xayiraad kusoo rogtey dowladda Mareykanka.Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa ku dartey liiska shaqsiyaadka ay raadineyso.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiil amni, Dheere ayaa waxa uu ku lug lahaa weeraradii ka dhanka ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyo sidoo kale weerarkii garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Dheere ayaa liiska madow waxaa ku wehliya Axmed Kabadhe kaas oo sida la sheegay ka mid ahaa taliyeyaasha ciidamadda maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo macluumaad kooban ka bixisay howlgalkan ayaa warisay in afar maleeshiyo ay ku dileen howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Wayanta.

Inkasta oo uusan shaacin magaca, telefishinka SNTV ayaa daabacay sawirro la sheegay inay muujinayaan maleeshiyaad dhintay iyo bas yar oo ay saarnaayeen markii la beegsaday.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay tabisay dika dabley lagu magacaabi jiray Cali Raaxo oo Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadda ah ee laga qaado goobaha ganacsi ee magaalada Muqdisho.

Cali Raaxo ayaa lagu waramay in ciidamada ammaanka ay ku toogteen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana baraha bulshadda lagu faafiyey sawirro lagu tilmaamay meydkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM