HirShabelle: Al-Shabaab oo laga saarey degmadii u dambeysay

Image
Talaabadan ayaa imanaysa xilli dalka ay dib ugu soo laabanayaan ciidamadii tababarka ugu maqnaa Eritrea ee mudada la sugayay.

JOWHAR, HirShabelle - Afhayeenka ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullaahi Caanood ayaa shir jaraa'id ka sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa shacabka oo iskaashanaya ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen degmada Ruun-Nirgood ee Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ah degmadii ugu dambaysay ee laga saaro gacanta Al-Shabaab.

Mr Caanood ayaa tibaaxay in askarta ay qabteen dhawr iyo tobon dagaalamayaasha kooxdani ah, ciidankani weli sii eryanayaan haraadiga, isaga oo intaasi ku daray “waan arki doonaa hilbaha aan kala harno” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxase uu qirey in weli AlShabaabka haystaan deegaanada Galbeedka Hiiraan iyo Galbeedka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in ay iska dulqaadaan kooxdani "diiratada ah".

Talaabadan ayaa imanaysa xilli dalka ay dib ugu soo laabanayaan ciidamadii tababarka ugu maqnaa Eritrea ee mudada la sugayay, kuwaas oo ay madaxda dowladda sheegtay in ay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM