HirShabelle: Al-Shabaab oo laga saarey degmadii u dambeysay

Image
Talaabadan ayaa imanaysa xilli dalka ay dib ugu soo laabanayaan ciidamadii tababarka ugu maqnaa Eritrea ee mudada la sugayay.

JOWHAR, HirShabelle - Afhayeenka ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullaahi Caanood ayaa shir jaraa'id ka sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa shacabka oo iskaashanaya ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen degmada Ruun-Nirgood ee Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ah degmadii ugu dambaysay ee laga saaro gacanta Al-Shabaab.

Mr Caanood ayaa tibaaxay in askarta ay qabteen dhawr iyo tobon dagaalamayaasha kooxdani ah, ciidankani weli sii eryanayaan haraadiga, isaga oo intaasi ku daray “waan arki doonaa hilbaha aan kala harno” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxase uu qirey in weli AlShabaabka haystaan deegaanada Galbeedka Hiiraan iyo Galbeedka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in ay iska dulqaadaan kooxdani "diiratada ah".

Talaabadan ayaa imanaysa xilli dalka ay dib ugu soo laabanayaan ciidamadii tababarka ugu maqnaa Eritrea ee mudada la sugayay, kuwaas oo ay madaxda dowladda sheegtay in ay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM